Wararka aan ka heleyno Caawa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid kamid ah dadka deegaanka.
Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa shaqsigaas dilay xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska Ceelasha,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Macada sababta loo dilay Shaqsigaas iyo Cid ka dambeya dilkiisa,waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo hada halkaasi baaritaano ka wada.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanada ay mararka qaar ka dhacaan dilalka,waxaana dhowr mar halkaasi lagu dilay dad Ganacsato u badan iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.