Radio Dalsan ayaa helay xog ku aadan in R/wasaare Kheyre uu  magacaabay  Lataliyaha Xafiiska R/wasaaraha u qaabilsan dhanka Arrimaha Gudaha, Federaalaynta Iyo Dib u hishiisiinta u magacaabay Yaxye Cali Ibraahim.
Wasiir Juxa wasiirka arimaha gudaha ayaa  22 July 2017 waxa uu xilkii ka qaaday Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim.
Xogta ayaa sheegeysa in Yaxye uu hawlgali doono dhawaan.
Dad badan ayaa rumeysan in xaalad kale ay abuurmi karto xiisad kale oo dhex marta Wasiirka iyo Yaxye .