Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax Gaari loo adeegsaday kaas oo inta badan laga maqlay gudaha Magaalada kismaayo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee Kismaayto,iyada oo qaraxaasi uu waxyeelo u geestay Goob Maqaaxi ah oo dada badan oo Shacab ah ay fadhiyeen.
Qaraxa ayaa waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad u badan Shacab in kastoo aan weli la xaqiijin inta uu la egyahay.
Wariyaasha ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay soo sheegayaan in haatan uu socdo Gurmadyo ay sameynaayan Maamulka Magaalada kismaayo iyo Shacabka intaba si kuwa dhaawacmay loo badbaadiyo.