War goordhow naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayAAn in dagAal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowaladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab uu ka socdo halkaas.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Marka.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid culus islamarkaana intiisa badan uu ka socod agagaarka isbitaalka degmada Marka.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas wallow uu weli socdo balse xiriir aan la sameynay Gudoomiyaha degmada Marka ayaa waxa uu sheegay in uu san haatan faah faahin Karin dagaalka maadaama uu dagaalku weli socdo
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com