Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Gutteres ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho 3 maalmood ah ku tago caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si uu kulamo ballaaran ula yeesho Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Kenya, Hay’addaha QM  iyo Wakiilladda Dowladaha Deeqaha bixiya ee Xafiisyadda ku leh Nairobi.
Antonio Gutteres waxa uu Madaxda dalkaasi kala hadli doonaan qorshaha sida aan khasabka ahayn dib loogu celin karo Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya iyo sidii loo sugi lahaa amamanka Xerooyinka Qaxootiga.
Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Gutteres waxaa la filayaa inuu maalinta Jimcaha ee soo socoto booqasho ku tago Xeradda Dhadhaab, si uu u soo eego xaalladda dhabta ee ay ku sugan yihiin Qaxootiga, wuxuuna la kulmi doonaa Wakiilo ka tirsan Qaxootiga.