Saraakiisha Amniga ayaa Suxufiyiinta u sheegay in 5 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen Qarax gaari oo Baqrqadii Maanta ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Boliska ee Degmada Waabari ee gobolakaan Banaadir.
Gaariga qarxay ayaa waxaa la dhigay Wadada dhinaceeda xili wadadaas laga dareemayay ciriiri Ciidamada ayaana meel aan ka fogeyn goobta uu gaari ku qarxay baari taano ka waday.
Afhayeenka Wasaarada amniga Sayid Axmed Carabta oo kahadlay qaraxaasi ayaa sheegay in 10-qof ay ku dhaawacmeen 5-kalena ay geeriyoodeyn kuwaa oo ahaa dhamaantood  shacab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay qaraxaas ka dambeeyeen Al-Shabaab islamarkaana ay doonayeen in dad Shacab ah waxyeeleeyaan,balse had iyo jeer ciidamada dowladda ay xaqiijin doonaan amniga dadka Shacabka ah.
Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Wasaarada amniga ayaa hadana dadka qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ku dhintay qaraxaas ay gaaraayn ilaa 10 ruux,waxase xusid mudan in ay sidoo kale jiraan Burbur xoogan oo soo gaaray Goobaha Ganacsi eek u yaalla Agagaarka Goobta uu qaraxa ka dhacay iyo sidoo kale Gawaari ay leeyihiin dad Shacab ah iyo Mooto Bajaaj.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka Wasaarada Amniga kana Daawo Sawirrada