Goordhow ayaa waxaa dhacay qarax inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir,kaas oo Uuradiisa ay Cirka iskushareertay.
Gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay in uu ku qarxay meel aan ka fogeen Saldhiga degmada Waaberi ee gobolkan Banaadir,gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga iyo Hotelka Wardheere oo u dhow Isgoyska Dabka.
Lama oga cida lala bartilmaamedsanayay Gaariga qarxay  iyo khasaaraha ka dhashay,waxaana la sheegay in uu ahaa Gaariga mid marayay halka uu ku qarxay oo aan ka fogeyn Isgoyska Dabka.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Goobta kuwaas oo Aaga qaraxa uu ka dhacay xiray.