Dabley hubeysan, ayaa galabta weerartay hoyga Madaxweyne Kuxigeenka Wadanka Kenya, William Ruto uu ku leeyahay deegaanka Sugoi ee Galbeedka Kenya.
Dableydan, ayaa toogatay askari ku sugnaa ilinka hore ee hoyga, iyadoona ay u suurtagashay inay gudaha u galaan dhismaha la weeraray.
Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya, ayaa dadiiqado ka dib gaaray dhismaha laqabsaday, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayan.
Saraakiisha Booliska, ayaa sheegay in la hareereeyay dableyda weerartay hoyga Madaxweyne Kuxigeenka, waxay kaloo sheegeen inaanan la garanayn heybta dableydaasi.
Waxaa aad u adag faah faahinta laga helayo weerarkaasi, waxaase uu ku soo beegmaya 10 maalmood ka hor, xilliga lagu wado inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Kenya.
Sawirro