Maanta ayaa qorshuhu ahaa in isku-Shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kadib dalab ka yimid Xildhibaanada maamulkaas oo dhaliilsanaa Golaha Wasiirada.
Xogaha ay Idaacadda Dalsan ka heleyso Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayan in khilaafkaan uu sabab u yahay Beelaha qaar oo dhaliilsan xilalka la doonayo in lasiiyo. Iyo in Golaha lagu soo koobayo 24 halka markii hore ay ahaayeen 64 Wasiir.
Waxgaradka Beelaha ayaa waxa ay sheegayaan in qoondadii ay horay u lahaayeen ay weeynayaan sidaas darteedna Shariif Xasan laga doonayo in uu kordhiyo Wasiirada khilaafkaas oo keenay in Maanta lagu kala tago