Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ayaa waxa ay sheegayaan in qarax khasaaro geestay uu ka dhacay agagaarka isgoyska soos ee Magaalada muqdisho.
Gaari nooca raaxada ah oo marayay inta u dhaxeysa Isgoysyada Soos iyo Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa ayaa la sheegay in ay Miinada la akcday islamarkaana gebi ahaan uu gaarigaas burburay.
Ilaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen kuwaaas oo ahaa dadkii saarnaa Gaariga,ay miinada la kacday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida Soomaaliya ayaa Goobta gaaray,waxana la sheegay in ay halkaasi ka sameyeen howlgal waxaana haakd galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadadaas isticmalayay,iyada oo dad dahlinyaro u badan howlgalkaas lagu qabqabtay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dadka qaraxa lala eegtay aysan ilaa iyo hada kala cadeyn waxa ay yihiin balse Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Minaashiibiyada.