Haweeney Somali Maraykan dhawaan qoratay inay ka mid noqoto Boliska Magaalladda Kolombus ayaa ku gacan-sayrtay amar ka soo baxay Taliyaha Waaxda Boliska oo lagu mamnuucayo inay haweenka masar ama qamaar qaataan.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Ismaahaan Ciise oo 29-jir ah ayaa sheegtay inaysan Diinta Islaamka u oggolayn inay ΓΒ bilaa Qamaar ku dhex shaqeyso.
Waxay sheegtay inay ku laaban doonto Akadeemiyadda Boliska haddii loo oggolaado inay Xijaabka ku qaadan karto xilliga ay ku guda-jirto hawlaha Boliska.
Taliyaha Boliska ee magaalladda Kolombus ayaa ku gacan-sayray in la beddelo Sharciga si ay Haweenka Muslimiinta ee soo galayo Akadeemiyada loogu oggolaado inay hagoogtaan madaxooda, isla markaana ay xirtaan Labiska asturan.
Dhinaca kale, Duqa magaalladda Kolombas oo wax laga weydiiyey in wax laga beddelo sharcigaasi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.
Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Ohaayo ayaa sheegay inaysan Boliska magaalladda Kolombus marnaba qoranin Sarkaal Somali Maraykan ah.