Maxamed Aadan Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dadaaleen sidii Shacabka Soomaaliyeed ay si hufan u wada qaadan lahaayeen Baasasboorka Soomaaliga ai uu u yaraado qaadashada Baasaboorka Ajnabiga.
Isagoo ka qeybgalayay Barnaamij ka abxa Warbaahinta Dowladda ayaa waxa uu sheegay in haatan dadka Soomaliyeed badankood ay yihiin kuwo wata Baasaboorka Soomaaliga taasna ay keentay dadaal farabadan oo ay sameysay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.
Sidoo kale isagoo siihadlayay ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan helida Visaha dalkaasi taasna ay kala hadleen Masuuliyiinta dalkaas tasna ay ugu wacan tahay sababo la xiriira dahnka amniga.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha