Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in kenya ay iminka ku dadaali doonto sidii loo furi lahaa Xadka u dhaxeeya Wadamada Soomaaliya iyo Kenya kaas oo mudo u xiran sababo amni aawgiis.
Waxa uu sheegay tani ay kaalin weyn ka qaadan karto dhaqaalaha dalka Kenya,iyada oo muhiimad weyn u tahay Shacabka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya,xili Shacab farabadan uu kula hadlayay Magaalada Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.
“Waxaan ugu baaqayaa Shacabka ku nool dalka Kenya in ay dowladda kala Shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Xadka Soomaaliya iyo Kenya kaas oo muhiim u ah Ganacsiga iyo Dhaqaalaha labada dal,waxaana ka dalbanayaa in ay Shacabka doortaan qof aamin ah oo qaadi kara masuuliyada dhanka amniga Xadka labada dal ayuu yiri Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta.
Dowladda Kenya ayaa waxa ay weeraro joogta ah kala kulmeeysaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii Ciidamadeeda ay soo galeen gudaha Soomaaliya,waxaana ay horay ugu dhawaaqday in ay xirtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya