Khudbadii ugu horeysay ee uu jeedo ayuu Amiirka dalka Qadar ku baaqay in wada xaajood lagu xalliyo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya afar waddan oo Carbeed oo ay deris yihiin si arintaas xal looga gaaro khilaafka Wadamada Khaliijka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay Amiirka dalka Qatar taasi uu keeni karo in uu hoos u dhigo khilaafkii u dhaxeeyey Wadamada Khaliijka islamarkaana xal buuxa laga gaaro khilaaflkaas.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in dowladda Soomaaliya ay tahay wax lagu amaano mowqifka ay ka qaadatay khilaafkaas halka dowladdihii hore ay horay Go’aan aad u fudud u qaadan jireen.
Hoos Ka Dhageyso codka Xildhibaanka