Dekadda Magaalada Berbera ee deegaanada Maamulka Soomaaliland waxaa Maanta ka soo amba baxay diyaarad siday Qaxooti Soomaaliyeed kuwaas oo horay uga yimid dalka Yaman.
Qoysas gaaraya ilaa Boqol ayaa Maanta ka soo ambaxay garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera,waxaana dadkaan ay ahaayeen kuwo halkaasi u joogay sidii loo egyn lahaa deegaanadooda.
Dib usoo celinta dadkaan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda Socdaalka Aduunka ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM,iyo Maamulka Soomaaliland.
Ceynaansho Maxamed Axmed oo ka mid ah Masuuliyiinta Wasaarada dib u dejinta ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in dadkaan qof walba la gaasriin doono halkii uu ka yimid islamarkaana waxa uu u mahadceliyay dowladda sacuudiga oo ka qeyb qaadatay soo celinta dadkaan iyo dib udejinta loo sameynayo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Masuulka Soomaaliland
Dhanka kale Liibaan Maxamuud Ciise oo isna ka mid ah Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM,ayaa isna sheegay in dadkaan markii la keeno Magaalada Berbera qof walba ladiiwangelinayay islamarkaana lixda Bilood ee ugu horeeysa loo qorayay lacago quudin ah ilaa iyo inta ay ka aadayaan deegaanadooda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Masuulka Hay’adda Socdaalka Aduunka