Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii sagaalaad kormeeray dekada Muqdisho tan iyo magacaabistiisa isaga oo u kuurgalay sida ay u socdaan howlaha dekadda.
Ra’isul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka billabay saldhigga booliiska ee dekedda, isaga oo saraakiisha joogta weydiiyey sida uu saldhiggu u diiwaangeliyo Maraakiibta ku soo xirata Dekedda iyo badeecooyinka ka soo degaba.
SIdoo kale Ra’isul wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha maamulka dekedda, iyo hannaanka cashuuraha, wuxuuna la kulmay maamulka dekedda, isagoo ku booriyay in ay kordhiyaan shaqada ay u hayaan dalka.