Dowladda Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay soo bacdo lacago cusub oo shillin Soomaali ah six al loogu helo dhibaatada ka taagan lacagta oo ay ugu horeyso lacagta cusub ee been abuurka ah iyo duugoobista tii hore.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay booqday Bangiga dhexe ee dalka ayaa Gudoomiyaha Bangiga kala hadlay sidii loo soo daabici lahaa lacag cusub oo badasha shillin duugoobay.
Mudane Kheyre ayaa soosaarista lacag cusub ku tilmaamay wadada kaliya ee looga hortagi karo dhibaatada ka dhallan karta adeegsiga lacagta been abuurka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dhowr mar horey u sheegtay in ay lacag cusub soo daabaceyso si muranka lacagta looga gudbo laakiin wali ma aysan suurtagallin arintaas.