Hanti-dhowraha guud ee dowladda  Goboleedka Punttand, Jaamac Maxamed Cusmaan, ayaa soo saarayo go’aan lagu hakinayo in wax laga saaro khasnadaha dowladda, sida Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka ah.
Tilaabadaan ayaa loola danleeyahay inaysan wax lacag ah la bixin wasiiradda kalsoonida lagala noqday.
Madaxweynaha Maamulka Puntland  Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kulan la yeeshay shalay Galinkii dambe  inta badan Wasiiradii kalsoonida ay kala laabteen  Xildhibaanada Barlamanka Puntland .
Madaxweynaha ayaa wasiiradii hore ka codsaday inay si wanaagsan u siiwadaan shaqada ay u hayeen shacabka Puntland inta uu Kasoo dhisayo xukuumad cusub.
Madaxweynaha ayaa faray Gudiyadii loo xilsaaray Soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xuska 1 August in ay sii wadaan shaqadii loo igmaday madaama ay tahay mid waajib ah.