Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta shaaciyay in Dastuurka aan Afti loo qaadi karin inta ay maqan tahay Somaliland.
Wasiir Xoosh ayaa marka hore labo arin ku sababeeyay waxyaabaha diidaya in Afti loo qaado Dastuurka
Xaaladaha Amniga iyo arimaha Siyaasada dalka ayuu sheegay in aysan suurta gal aheen in hadda Afti loo qaado Dastuurka.
Maamulka Somaliland oo ka maqan Nidaamka Federaalismka ayuu soo hadal qaaday Wasiir Xoosh waxaana uu taasi ku micneeyay Sababta ugu weyn ee Afti loogu qaadi karin Dastuurka Dallka,waxaana uu tilmaamay hadii Somaliland Nidaamka Federalismka Dalka lagu qanciyo in ay kamid noqoto taasi ay keeneeso in Afti Dastuur la qaado.
Halkan ka dhageyso Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosha: