Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka Jeneral Cali Xirsi Bare (Cali Gaab) ayaa ka hadlay sida uu u Shaqeynayo amarkii ay horay u soo saareen ee ahaa in Wadamada Maka-Almukarama Goobaha Ganacsi hortooda dhiganaya Gawaarida yar yar iyo sida uu u shaqeynayo.
Taliye Cali Gaab,ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo qaarkood aan amarkaas Dhaqangelin islamarkaana hada qaarkood Goobihii laga mamnuucay dhiganaya Gawaarida yar yar.
“Waxaa jira dad inta Baabuur yar yar soo qaata dhiganaya Wadada dhexdeeda kuwaas oo dhahaya anaga 30,Daqiiqo ayaa naloo ogolaaday majirto cid aan u ogolaanay waayo kuwa dhibaatada qaraxa wada weey soo agdhiganayaan weyna ka faa’iideysanayaan waxana kuwa amarka jebiyay ugu horeeya kuwa ka Shaqeeyada Bangiyada ayuu yiri taliye Cali Gaab.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in iyaga oo fulinaya amarkii Maamulka Gobolka Banaadir in aysan ogolaan doonin in Wadada dhexdeeda iyo goobaha Ganacsi hortooda la dhigto Gawaarida iyaga oo ilaalinaya amniga balse aan dadka ku dhibeyn.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha