Ku dhowaad 20 milyan oo Qaxooti ah oo ku nool Wadamada Soomaaliya Yaman Waqooyiga Bari ee Neyjeria iyo Koonfurta Sudan ayaa la sheegay in ay wajahayaan xaalad Qatar ah oo dhanka Nolosha ah kadib War-Saxaafadeed ay soo saareen Golaha Arimaha dibadda ee midowga Yurub.
Xubnaha Ururkaas ayaa waxa ay sheegeen in ay taageero siiyeen in badan 2 Milyan oo Qof kuwaas oo la gaarsiiyay dhaqaalo wax looga qabanayay dhanka Arimaha Bani’adanimada ee heesta Wadamada kor lagu soo xusay.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay Wadamada Caalamka qaarkood in ay ka qeyb qaataan xal u helida dadka dhibaatoyinka kala duwan ay ku heestaan Dalalka Soomaaliya Yaman Waqooyiga Bari ee Neyjeria iyo Koonfurta Sudan si ay uga badbaadaan qataraha hesta.
Waxaa kaloo ay ka hadleen Golaha xili ay kulan ku yeesheen Magaalada Brazalis ee Wadanka Biljamka ayaa waxa ay ugu baaqeen Wadamada Caalaamka in ay siiwadaan taageerada dhanka Maaliyadeed oo ay siiyaan Wadamadaas iyo cadaadiska la saarayo dadka khilaafyada ay ka dhaxeeyaan si xal buuxa loo gaaro