Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan degmada dhoobleey  ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Jubbaland ay Gacanta ku dhigeen Rag watay Miinada Nooca dhulka lagu aaso ah.
Saaakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan bartilmaamedkooda ahaa in ay miinadan ku aasaan Saldhiga Ciidanka Booliska Maamulkaas ee ku yaala Magaalada Dhoobleey balse laga hortegay sida ay hadalka u dhigeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Ragaan Saddexda ah laba ka mid ah ay Goobo Ganacsi ku leeyihiin Magaalada dhoobleey basle ay sihoose Al-Shabaab ula shaqeyn jireen.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in raggaan Maxkamad lasoo taagi doono madaama ay doonayeen in ay Miino ku Aasaan Saldhiga Ciidamada Booliska Maamulkaas ee Magaalada Dhoobley.
Weli dhanka Al-Shabaab War kama soo saarin hadalkaan ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada ee Magaalada doobleey oo ah in ay qabteen Saddex ka mid ah Al-Shabaab oo watay waxyaabaha qarxa