Maalmihii dambeeyey  degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa khilaaf soo kala dhexgalay Shacabka ku nool degmadaas iyo Ciidamada Amisom ka socda qeybtooda dalka Jabuuti waxaana arintaasi xalkeeda halkaasi u tegay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Mudanayaasha gaaray Jalalaqsi waxa uuna Xarunta Warqabadka Radio Dalsan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iminka ku guda jiraanxalinta  isfahamwaayga kala dhexgalay Ciidamada Jabuuti iyo Sahacabka islamarkaana Wajiga koowaad ee isfahamka ay soo gabagabeeyeen.
Waxa uu sheegay in Shaqaaqadii halkaasi ka dhacday uu dhiig ku daaday islamarkaana wajiga labaad ee wadahadalka ay qeyb ka noqon doonaan dadkii Eheladooda la dilay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in degmada Jalalaqsi ay ku arkeen dhibaatooyin farabadan islamarkaana an heysan adeegii aas aasiga u ahaa bulshada tuulooyinka hoostaga ayna  weli Al-Shabaab u Go’doonsan yihiin
Gabagabadii ayaa waxa uu sheegay in Cabashada ka soo baxeysa Shacabka degmada Jalalaqsi iyo dhibaatooyinka ay qabaan ay u gudbin doonaan Maamulka Hir-Shabeelle iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Axmed Dirir Nuur