Maalmihii la soo dhaafay waxaa jirtay hadalheyn ku aadan in ay jiraan Ganacsatada Magaalada Muqdisho qaarkood oo Dhaqaala siiyay Al-Shabaab kadib markii lagu wargeliyo in ay lacagtaas Al-Shabaab u tuuraan taas oo ay u yaqaanaana Zakawaad ayaa waxa jawaab ka bixisay dowladda federaalka soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee shalay ay ka mid ahaayeen qodobadii ay soo bandhigtay Wasarada Amniga Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in intaas kadib Golaha Wasiirada Soomaaliya ay isku raaceen in cid alaala iyo cidii dhaqaalo siisa ama Siyaasad ahaan u taageerta Al-Shabaab ay iyaga lamid yihiin talaabana ka qaadi doonaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed qaarkood ayaanan weli hadalkaas ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin wax jawaab ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka