Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Aadan Nuur-qaal oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay laba qof oo lagu dilay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa sheegay in uu aminsanaa in xiligaan wixii ka dambeeya Gaalkacyo iyo tuulooyinka hooostaga ay noqonayaan kuwo Nabad ah islamarkaana uusan fileyn in Wadada loo galo dad Shacab ah islamarkaana la dilo.
Waxa uu arintaas ku eedeeyay in ay ka dameeyaan Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu sheegay in deegaanada uu falka ka dhacay ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeen Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ugu baaqay in ay usoo Gacangeliyaan dadkii ka dambeeyay dilka labada qof ee ka dhacay duleedka Magaalada Gaalakcyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha