Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qorshaha kaga degsan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xir xiran qaar ka mid ah Wadamada Caalamka kuwaas oo loo geesto dhibaatooyin kala duwan.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,oo kahor hadlayay shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga hadashay dhibaatooyinka Xabsiyada ku heyso dadkaas islamarkaana dhawaan dowladda Itoobiya ay Soomaaliya ku soo wareejin doonto Maxaabiis farabadan.
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in shirka Golaha Wasiirada Soomaliya ee Todobaadka soo socda looga hadli doono arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arimaha jinsiyadaha iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Xabsiyada Caalamka ku xiran loosoo badbaadin lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Yariisoow