Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Lamu ee dalka Kenya ku afduubteen dad Kenyan ah oo baabuur saarnaa.
Warbaahinta Kenya ayaa tabinaysa in dadka baabuurkaasi lagu afdubtay ay ku jiraan saraakiil sare sare oo dowladda Kenya ka tirsan.
Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Kenya ay Lamu iyo deegaanada ku dhow ka wadaan howlgal la sheegay in lgu abadi goobayo rag ka tirsan Al-Shabaab.
Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin ama masheegan weerarka lagu afduubtay dad ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya