Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ka degay Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle,waxaana Garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble qeybaha kala duwan ee Bulshada baladweyne Odayaasha dhaqanka Saraakiisha Ciidamada dowladda kuwa Amisom iyo Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Hiiraan.
Soo dhaweyn kadib Madaxweene Cosoble ayaa Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan wax uu kula kulmay Bulshada qeybaheeda kal duwn iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa amar ku bixiyay in dhamaan Calanka Maamulka Hir-Shabeelle la Suro Goobaha Ganacsi ee ku yaala Baladweyne Si dadka Reer Baladweyne ay u muujiyaan in ay Yihiin dadka tirsan maamul Goboleedka Hirshabelle,
Sawirro