Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug Gaashaanle Sare Aadan Nuur-qaal oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyoayaa waxa uu ka warbixiyay labo ruux oo lagu dilay duleedka degmada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaano laanta dusmada xilli wateen gaari.
Taliyaha ayaa sheegay in raga dilka geystay la aqoonsaday ka dib baritaan dheer oo ay ciidamada amaanka sameyeen waxa uuna sheegay in ragaas ay kasoo jeedaan deegaanada Galmudug.
Dhanka kale Taliyaha ayaa waxa uu si guud uga warbixiyay Xaalada amaan ee gobolka Mudug iyo howlgaladii ugu danbeeyay oo ay wadeen ciidama Booliska gobolka Mudug  Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id