Wararka Idaacada dalsan ay ka helayso Degaano ka tirsan Bari Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in halkaasi lugu arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya
Diyaaradahaan oo aan la aqoonsan dalka laga leeyahay iyo ujeedka ay u socdaan ayaa waxa ay cabsi xoogan ku beereen dadka Deegaanadaasi  ku nool deegaanka jeexdin iyo deegaanada hoostaga sida Cali waal Qarqoora Bitaale iyo Sarjimaaleayaa la shegay in dhamaantood diyaaradahaasi lagu arkay
Qaar ka mid ah dadka Xoola dhaqatada ah ee ku nool deegaanada Bariga Gobalka Mudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo Wajahday cabsi xoogan ayagoo baaq u diray dawlad gobaleedka Galmudug
Deegaanka jeexdin ayaa Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016kii waxaa ka dhacday duqayn diyaaradeed oo loo gaystay ciidamo ka tirsan Galmudug walow duqayntaasi ay markii dambe raali galin ka bixisay dawlada Maraykanka oo diyaaradaheedu duqayntaasi fuliyeen