Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo Mareykan ah ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunyo-Baroowe ee Gobolkaas.
Weerarkaan oo ahaa mid qorsheesnaa sida uu sheegay Maamulka degmada Baraawe ayaa waxaa lagu qaaday fariisinka Weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin Kuunya-Baroowe,waxaan ilaa iyo hada jirin cid xaqiijisay khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Al-Shabaab aya fariisin weyn waxa ay ku leeyihiin deegaanka kuunya-Baroow,waxana la sheegaa in mararka qaar ay weeraro ka soo qaadaan iyaga oo beegsanaya fariisinka Ciianka dowladda iyo kuwa Amisom ee Gobolkaas.
Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin weerarkaas,waxana dadka deegaanka qaarkood ay shegeen in iminka ay cabsi soo wajahday iyada oo ciidamada Al-Shabaab ay wadaan howlgallo
Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoosta Soomaaliya ee(DANAB) ayaa dhowr mar weeraro ka geestay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose iyago oo sheegay in weeraradaas ay ku dileen Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab