Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa amanta la filaaya in Magaalada Garoowe ka dhagaxdhigo Xarun cusub oo muhiim u ah Bulshada Magaalada Garoowe.
Munaasabad uu xariga uga jarayo dhismaha cusub ee Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland ayaa la filayaa in ay ka dhacdo gudaha Magaalada Garoowe waxaana ka qeybgeli doono qaar ka mid ah madaxda Puntland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Xaruntaani oo qayb ka ah mashaariicda horumarineed ee deegaanada Puntland ka socda ayaa dhismeheedu socdey muddo dhowr bilood ah,wxaan ugu dambeen Maanta xariga ka jaraya Madaxweyne Cabduweli Gaas.
Qorshaha Xaruntaan lagu dhisay ayaa waxaa fikirkeeda lahaa wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska ee Maamulka Puntland Masuuliyiintooda kuwaas oo dhowr dalabday in loo dhiso xaruntooda.