Wararka aan ka haleyno degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas ay Madaafiic ku garaaceen degmadaasi.
Maamulka degmada ayaa sheegay in Madaafiicdaas ay ku dhaceen qeybo ka mid ah gudaha degmada balse aysan geysan wax khasaaro ah.
Gudoomiyaha degmadaas Iimaan Cadoow Kaarshe ayaa Waxa uu ku eedeeyay falkaas in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo mararka qaar sidaan oo kale Madaafiic ku garaaca degmadaas.
Sidoo kale wax uu hadalkiisa intaas ku daray in Al-Shabaab aysan awood u laheyn in ay weerar toos ah ku qaadan degmada Garbahaareey balse uun ay qalqal geliyaan Shacabka degmada Garbahaareey sida uu hadalka u dhigay.
Degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo waxaa mudo ka badan 9 Sano ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxana jira in mararka qaar ay weeraro ku soo qaadaan degmadaas.