Xarunta Beerta Nabada ee Gobolka Banaadir waxaa Maanta kulan ku yeeshay masuuliyiin ka socotay Maamulka gobolka Banaadir iyo Ganacsatadii maalgashay Beerta Nabada si xal looga garo xiisdii dhalisy in Masiiliyiinta Maamulka G/Banaadir ay amraan in Beerta silacag la’aan ah lagu galo.
Kulanka kadib ayaa waxaa Maamulka gobolka Banaadir ay soo saareen go’aan ah in Beerta ay sideedii hore kusoo laabato,islamarkaana qofkii Beerta u dalxiis tagaya laga qaado lacag dhan 1 Dollar oo markii hore lagu geli jiray.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kulanka qodobadii ka soo baxay in Xataa Maalmaha Khmiista iyo jimcaha an dadka laga qadi Karin wax ka badan 1 dollar halka markii hore ay dadka ku geli jiren Beerta 2 dollar sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/Fitaax cumar Xalane
Goordhow la socda Qodobadii ka soo baxay kulankaas oo dhamestiran