Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Jubbland ayaa Maanta ku wajahan Wufuud kala duwan oo ka qeybgalaya kulanka golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka dhacaya Magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa u duulaya maanta Kismaayo,halka ahanka kale uu isna wafdi kale hoggaamin doono ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed.
Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Shirka Golaha wasiirada ayaa todobaadkaan ka duwan sidii hore,waxana taariikhda inta la xasuusto meel ka baxsan ku shiray Golihii wasiirada ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi kuwaas oo ku kulmay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.