Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,waxaa Maalintii Saddexaad oo isdaba joog ah ka socda howlgallo lagu xaqiijinayo dhanka amniga islamarkaana lagu burburinayo Goobo Ganacsi oo ku yaala Hareeraha laamiga kuwaas oo sababay ciriiri farabadan.
Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu burburiyay Goobo Ganacsi oo hareeraha laamiga ku yaalay,sida uu Warbaahinta u sheegay Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir.
Waxa uu sidoo kale hadalkisa intaas ku daray in howlgalladu ay yihiin kuwo lagu sugayo dhanka amniga dibna loogu soo celinayo bilicdii Magaalada Garoowe.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in ay jiraan dad Goobahoodii Ganacsi ku soo durjiyay Wadada ay dadka isticmaali lahaayeen taas oo Magaalada Wadooyinkeeda ka dhigtay mid ciriiri ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Magaalada Garoowe