Dhismaha Aqalka sare ee Magalada Muqdisho ayaa la filayaa in Maanta uu ka furmo kulanka laabd ee xubnaha Aqalka Sare oo mudooyinkaan fasax ku maqnaa.
Munaasabad lagu daahfurayo kulanka Aqalka Sare ayaa waxaa ka qeybgeli doona Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,iyo Xubno kale.
Cabdi Xaashi Cabdillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in kulankaan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana ay kaga hadli doonaan sidii loo ansixin lahaa Ajandayaal dhowr ah oo kala dhaxeeya xubnaha Aqalka hoos.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Xubnaha Aqalka Sare ay yihiin kuwo ku Cusub Soomaaliya,islamarkaana haatan la doonayo in la hirgeliyo Sharciyadii ay ku Shaqeyn lahaayeen.
Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Xaashi Cabdillaahi