Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida ee xiligaan qaarkood ku xiran Wadamada Caalamka iyo qorshaha kaga degan.
Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin badankood kuwo Xukuman,balse dowladda Soomaaliya ay wado qorsho ah in dadkaas dalkooda Soomaaliya ay ku dhameestaan xukunkooda,islamarkaana Wadamada qaarkood ay ku heshiiyeen.
Waxaa kaloo hadalkiisa uu intaas ku daray in dadaalkii ay u galeen in Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka india dowladda ay ku guuleysatay heshiis ah in dalkooda loosoo wareejiyo 118 Maxbuus dhawaana ay tegi doonaan Gudaha dalkaasi India si maxaabiistaas loogu soo wareejiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xeer ilaaliyaha