Maanta Ciidamada Nabad-Sugida ee Maamulka Hir-Shabeelle waxa ay xabsiga dhigeen ilaa 7 ka mid ah Maamulayaasha Iskuulada ku yaala Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle kadib markii ay ku eedeeyeen in ay tageen goobo ay Maamulaan Al-Shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada iyo horumarinta Maamulka Magaalada jowhar Cabdullaahi Yuusuf Caloof (Dhagaweyne)Â oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in sababta Maamulayashaas loo xiray ay tahay in ay deegaanka Gamboole ee duleedka Jowhar kulan kula qaateen Madax ka tirsan Al-Shaabab si ay u faafiyaan Manhaj ay sameesteen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dalka uu dowlad Federaal ah leeyahay cidkasta oo ka hortimaadana ay talaabo ka qaadi doonaan,macalimintaana ay sharciga ku xadgudbeen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin cid aaminsan fikirka Al-Shabaab in ay ku dhex noolaato dhulka dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga