Shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ay weli aad uga walaacsan yihiin xaaladooda nololeed kadib markii dhawaan la mamnuucay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo muhiim u ah Nolosha Bani’aadamka.
Todobaadyadii la soo dhaafay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne waxa ay ku jirtay jawi aad u walaacsan dadkuna waa ay ku adkeed in ay kala Ganacsadaan maadaama la diidayo isticmaalka alcagta Shilinka Soomaaliga.
Qaar ka mid ah Ganacsatada Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegen in dhowr mar ay soo gaartay lacago Ben abuur ah oo ay sameesteen Maamulo ay ka mid yihiin Galmudug iyo Puntland taasna ay keentay dhibaato horleh.
Waxa ay sheegeen in haatan dadku ay isticmaalaan lacagta dollarka ah iyo tiro yar oo lacagta shilinka Soomaliga ah oo laga keeno muqdisho taasina aysan kaafin Karin Ganacsiga Magaalada Baladweyne.
Hoos Ka Dhageyso Warbixin Wariye Axmed Dirir Nuur uu ka soo diray Baladweyne