Qarax xoogan oo ah nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Deegaanka Tareedisho , waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.
Goob joogaaal ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari Cabdibille ah a saarnaayeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya, qaraxa miino ayaana la sheegay in uu haleelay gaariga Cabdi Billaha oo marayay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.
Labo askari oo katirsan Ciidanka dowlada ee qaraxa lala eegtay ayaa lasoo sheegayaa in ay dhinteen, waxaa sidoo kale jira khasaaro dhaawcayo ah oo soo gaaray ciidamo kale oo saarnaa gaariga Tiknikada ah ee qaraxa lala eegtay.
Qaraxa kadib ciidamadii ka badbaaday gaariga la qarxiyay ayaa rasaas badan kor u raday, waxaana ciidamada bad baaday iyo cidamo kale oo usoo gurmaday halkaasi ka qabteen dhoor qof ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen qaraxa Miino.
Laamiga isku xira Magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayaa marar badan waxaa ka dhacay qaraxo miino oo lala eegtay gaadiidka ay wataan ciidamo katirsan dowlada, qaraxyadan ayaa sidoo kale mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa gaadiidka shacabka ah ee wadadaasi ku safra