Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaalada amniga iyo qaarxyada ka dahca Magaalada Muqdisho iyo qorsha uga degsan Maamulkiisa.
Mudane Thaabit ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaarxyadii ugu dambeeyay ee ka dahcay gudaha Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in Al-Shabaab qaraxyadaas ay la bartilmaamed sadeen goobo ay joogaan dad rayid ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in marnaba aan la ogolan doonin in Al-Shabaab ay dhibaateeyaan dadka Shacabka,islamarkaan Shacabka loga baahan yahay in ay ciidanka Amniga la Shaqeeyaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka