Guddoomiyaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhowaan xilka mar qura laga qaaday qaaday tallaabo aan hore loo arag.
Guddoomiyeyaashkii hore ee G/Banaadir waxay xalay Afur u sameeyay Guddoomiyaasha Cusub ee Gobolka Banaadir iyagoo ku casuumay casho sharaf ay ka wada qeyb galeen.
Ujeedadaa casuummadda ay guddoomiyeyaashii hore ee G/Banaadir ugu fidiyeen saaxiibadood xilka ugu danbeeyay ayaa lagu sheegay wax ka bedelka dhaqanka Siyaasadeedka Soomaaliya oo aanay hore u dhicin in mas’uuliyiin xilalka laga qaaday ay haddana marti qaadaan madaxa xilka kala wareegay.