Gudoomiyaha Degmada Balcad Mudane Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa Waxaa uu Kahadlay Arrimaha Amniga ee Degmadda Balcad iyo Xaalada ay ku sugan yihiin Shacabka ku Nool Degmadda Balcad,Waxa uu Guddoomiyaha ka Hadlay Howlgalada ay Ciidamada Amaanka Degmada Balcad Sameeyaan Xiliyada Habeenkii .
Gudoomiyaha ayaa Sheegay In Howlagkan uu Yahay Mid Lagu Sugayo Amaanka Degmada Balcad Iyo Deegaanada Hoos yimaada Kaasoo uu Ka Arimiyo Maamulka Degmada Balcad.
Mar uu Ka Hadlaayay Dhalinyarada ay Soo Qabtaan Ciidamada Amaanka ee la Geeyo Saldhiga Degmada Balcad ayuu Sheegay In Qofkii Lagu Waayo Wax Danbi ah  Lasiideynayo Islamarkaana Iyada oo ay Damiin Ka Noqonayaan Waalidiintiisa Iyo Gudoomiye Waaxeedka Xaafada uu degan yihiin.
Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha ayaa Kula Dardaarmay Shacabka Reer Balcad in ay soo diiwangeliyaan cid allaala cidii ku soo kororta Qoyskooda hadii laga waayana talaabo laga qaadi doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirada