Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Culus lagu qaaday degmadaas kaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar ku bilaawday qaraxyo ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey waxana la sheegay in intaas kadib uu bilaawday dagaal labada dhinac ay isku adeeg saden hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen tiro dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ah walow aysan jirin cid ka madax banaan oo Warkaas xaqiijineysa.
Sidoo kale waxaa Wararka madaxa banaan ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyooday wiil yar oo markii hore uu dhaawac ka soo gaaray dagaalkaas balse markii dambe uu u geeriyooday.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid degan islamarkaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay wadaan haqdhaqaaqyo ciidan