Waxaa maanta lagu Qabtay Hotel-ka Ambassador ee magaalada Hargeysa Xaflad kooban oo ahayd  heshiis is-afgarad oo ay wada gaadheen Somalilando  dhinaca khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh
Heshiiskan ayaa waxa ku jira qodobo la sheegay inay aasaas u noqon doonaan heshiiska labada dhinac, waxaana lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in la ilaaliyo Wadajirka Somaliland iyo in la qabto shir lagu dhamays tiri doono heshiiskan oo la sheegay inuu ka dhici doono magaalada Burco, kaasi oo dhici doona 10ka bisha soo socota ee July.
Qoraalkan ayaa lagu yidhi Labada dhinac waxay isla garteen:
1- Wadajirka
2- Wax wada lahaanshaha
3- Nabad kuwada noolaasho
4- Horumarkeena
5- Meel uga soo wada jeedka [Cadowgeena]
Waxaa sidoo kale qodobada ay labada dhinac kala saxeexdeen kamid ah in dib loo furo Dastuurka Somaliland oo wax laga badalo isla markaana dib loo eego awood qaybsiga Dawladnimada.
Goobta heshiiska lagu saxeexay ayay ku sugnaayeen Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha Khatumo, Faysal Cali Waraabe oo Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan guddiyada ka kala socday labada dhinac.
Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay goobta ayaa ka mahadnaqay sida loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay heerarkii ay soo mareen wadahadaladii muddooyinkii danbe ay kula jireen Somaliland.
Waxaa heshiiskan labada dhinac u kala saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Dr Saacad Cali Shire oo guddoomiye u ahaa guddiga dhinaca Somaliland iyo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ah Gudoomiyaha guddiga Khaatumo –