Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirweynaha Dib u heshiisiinta Qaran ee mduo 5 Maalmood ah ka socday gudaha Magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaarada Arimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalayay inta uu socday masuuliyiin ka irsan dowladda Soomaaliya Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya iyo bulsahda qeybaheeda kala duwan.
Mudadii 5,ta Maalin aheyd oo uu shirkan socday ayaa waxaa qodob qodob loo taabanayay qaabka ugu fudub ee loo heshiisiinkaro dadka Soomaaliyeed iyo waxyaabaha soo cel celiya dagaaalda sokeeye.
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa sheegay in talooyinkii ay soo jeediyen dadkii ka soo qeyb galay shirkaan ay qaadan doonaan islamarkaana uu Maanta soo xeri doono Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo)
Hoos Ka Dhageyso Codka