Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xeebaha Gobolkaas lagu arkay Laba doonyood ku waas oo aan la ogeyn waxa ay wadaan.
Dadka ku dhow dhow xeebaha Magaalada Qandala ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Doonyahaas ay Maalin ka hor halkaasi soo gaareen xili habeen ah balse aysan garaneyn waxyaabaha ay wadaan
Dhanka kale Saraakiil ka tirsan ciidamada Badda Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Doonyahaas ay uga shakisan yihiin in ay gurmad u yihiin dagaalyahano ka tirsan kuwa kooxda Daacish oo halkaasi ku dhumaaleysanaya sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland oo haatan ku sugan Magaalada Qandala ayaa haatan heegan la geliyay iyagoo ka cabsiqaba in weerar lagu soo qaado.