Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Baadiyoow ayaa sheegay in Shacabka Magaalada Baladweyne iyo waliba Gobolka Hiiran   ay heysato dhibaato ay gacantooda ku sameesteen taas oo dhibaatadii ka dhalatay ay weli taagan tahay.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in la doonayo in Shacabka Gobolka Hiiraan in ay gacanta isqabsadaan isna cafiyaan si looga gudbo dhibaatoyinka mudada faraha badan heysata Shacabka Baladweyne iyo guud ahaan gobolk Hiiraan.
Ugu dambeen waxa uu sheegay in ka maamul ahaan uu diyaariyay qaabkii uu ula Shaqeyn lahaa Shacabka Gobolka hiiraan islamarkaana dhankooda laga doonayo in ay kala Shqeeyaan dhinac walba.
Hoos Ka Dhageyso Codka