Norm Coleman oo ka mid ahaan jirey Senator-adda Kongareeska Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay Maqaal uu ku qoray Wargeyska “The Star Tribuneâ€, isagoo deegaanaadda ay Soomaalida kaga suganyihiin Maraykanka ku sifeeyey Dhulkii Tobanka Kun ee Argagixiso, waa sida uu hadalka u yiri.
Siyaasigaasi waxa uu ku adkeystay Eedeymahiisa, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Maraykanka, Andrew Luger uga mahadcelinayo shaqada adag ee uu qabtay, si uu Eedeysanayaasha lala xiriirinayo Argagixisadda u hor keeno Caddaaladda.
Maqaalka Ex-senotor Norm Coleman waxa aad uga carooday dadka Soomaali-Maraykanka, oo ku tilmaamay hadalkiisa mid ay ka muuqato Isir-nacayb iyo Karaahiyad.
Abdi Warsame oo ah Somali-Maraykan xubin ka ah Golaha Deegaanka magaalladda Minneapolis ee ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin ayaa tilmaamay inaan la rumeysan karin Cinwaanka Maqaalka Xildhibaankaasi hore ee uu hal-ku-dhegga uga dhigay Dhulkii 10,000 Argagixiso “Land of 10,000 Terrorits.
Wuxuuna ugu baaqay Ex-senotor Norm Coleman inuu raalli-gelin buuxda siiyo  dhamaan Muwaadiniinta Somali Maraykanka ee ku nool Gobalka Minnesota.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo 6 dhallinyarro Somali-Maraykan lagu soo oogay inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.